"Badana Wanagagu" Тексти пісень
«Badana Wanagagu» має тексти на сомалійський мові.
Значення "Badana Wanagagu" походить з сомалійський мови і наразі не конвертовано в переклад англійською.
Wacanaa daryeelkaagu
Badanaa wanaagaagu
Taladiyo waxsheegaagu
Waxtarkayga weeyaane
Ereygaaga weeleeyay,
Haddii aan werwero maalin
Ama aan walaac muujo
Adigaa wacaashayda
Ka dareema wajigayga
Oo waraysta xaalkayga,
Waxad tahay ma-dhaafaane
Iyo lagama weecdaane,
Wakhtiyada ad-adagoo dhan
Weheshaday xasuustaada
Si weyn kuugu xiisooday.
Bogga 2
Waa wabi jacaylkeenu
Iyo waadi naxariis ah
Inan wadajirnaa guul ah
Is wakiilanaa deeq ah
Isma wayno labadeenu
Wadne kula balamayaa le
Wacad kuugu marayaa le
Waligay ku nici maayo
Wed hortii ku jari maayo
Waaqle kaaga tagi maayo